Muqisho: (Sh. M. Network) Taliska Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ayaa sheegay in howlgallo ay ka sameeyeen deegaanno ka tirsan Jubbooyinka ay kula wareegeen hub iyo saanad Militari.
Warsaxaafadeed ay soo saareen Ciidamada Midowga Afrika AMISOM ee ku sugan gobolada Jubbooyinka ayaa waxa ay sheegeen in hub iyo saannad Militari oo ay lahaayeen Xarakada Al Shabaab ay gacanta ku dhigeen kaddib markii ay ka qabsadeen deegaanka Biibi ee Koofurta Soomaaliya.
AMISOM ayaa sheegtay in dagaalka ay ku qabsadeen deegaankaasi ay ku dhaawacmeen 3-askari oo ka tirsan Ciidamada qaranka Soomaaliyeed kuwaasi oo iminka lagu dabiibayo Xarumaha Caafimaad ee ku yaalla Jubbooyinka.
Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in wax qasaaro ah aanu soo gaarin Ciidamada AMISOM ee gacanta ku dhigay deegaanka Biibi ee Koofurta Soomaaliya.
Taliyaha Ciidamada AMISOM Andree Gutti oo Warsaxaafadeedka ku qornaa ayaa waxa uu sheegay in taageeridda shacabka Soomaaliya islamarkaana ay ka qeyb qaadan doonaan ka hortagga Al Shabaab.























Comments are closed.