AMISOM oo Saxaafadda usoo bandhigtay goobo ay la wareegeen

maalik_som October 12, 2012 Comments Off

Wanlaweyne: (Sh.M.Network) —Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa maanta Koox wariyeyaal ah waxa ay geeyeen deegaanno iyo degmooyin dhawaan laga saaray Xarakada Al Shabaab. 

Wariye Axmed Cabdi Xasan oo ka mid ah Wariyeyaasha ka howlgala Idaacadda iyo Tv-ga Shabelle oo qeyb ka ah Wariyaasha maanta la geeyay deegaannadaasi ayaa waxa uu sheegay in Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay gaarsiiyeen Garoonka diyaaradaha ee Billa-Doogle iyo degmada Wanlaweyn ee gobolka Sh/hoose. 

“ Safarkeena waxaa nagu wehliya Taliyaha Ciidamada Uganda, Wasiirka Gaashandhigga, Taliyaha Ciidamada Xoogga, Abaan-duulaha Ciidamada Xoogga, Jeneral Gacmo Duulle iyo Saraakiil kale oo ka kala tirsan Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM, waxaana la xaqiijiyay ammaanka wadada dheer ee xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye” sidaasi waxa yiri Wariye Axmed Cabdi Xasan.

Qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo la hadlay Saxaafadda ayaa waxa ay sheegeen in Al Shabaab aysan ku dagaalami karin deegaannadaasi, iyagoo xusay in dhulka ay kala wareegeen uu yahay dhul banaan ah oo aysan kaga horimaan karin Al Shabaab sida ay hadalka u dhigeen. 

Ugu dambeyn Wariyeyaasha maanta la waday ayaa waxa la filayaa in la geeyo meelo kale oo ka tirsan Sh/hoose oo lagala wareegay Xarakada Al Shabaab.

Comments are closed.

Facebook

Twitter