Baladweyne(Sh.M.Network)—Ciidamada AMISOM ee ku sugan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa maanta saldhig cusub waxa ay ka sameyteen Magaaladaasi baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.
Saldhigaan ayaa Ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah Howlgalka AMISOM waxa ay ka sameysteen Galbeedka Magaaladaasi Baladweyne halkaasi oo maalmihii dambe ay ka taagneed dhibaatooyin ammaanka caqabad ku ah.
Ciidamada Jabuutiyaankaa ee la geeyay Galbeedka Magaalada Baladweyne ayaa waxa ay sugi doonaan ammaanka Deegaanadaasi Galbeedka dhaca iyagoo sidoo kale ka hortag unoqon doona abaabulo la sheegay in Al Shabaab ka sameeyaan Halkaasi.
Guddoomiye ku xigeenka dhinaca ammaanka Maamulka Gobolka Hiiraan ee dowladda Soomaaliya Axmed Cabdalla Inji oo wareysi siiyay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in Ciidamadaasi ay kaalin fiican ka qaadan doonaan amamanka Magaaladaasi balad Weyne ee Gobolka Hiiraan.
Maalmihii dambe ayaa waxaa Magaaladaasi Balad Weyne ka socday Howl gallo Xoogan oo lagu sugayo ammaanka Maagaladaasi islamarkaana looga hortagayo weeraro Ururka Al Shabaab ay ka geestaan Gobolkaasi























Comments are closed.