Muqdisho: (Sh. M. Network) Warsaxaafadeed ay soo saareen Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa waxa ay raali gellin ka bixiyeen dil shalay gudaha Magaalada Muqdisho ugu geysteen wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Cali Max’ud Guddoon.
Taliyaha Ciidamada AMISOM Gen. Andrew Gutti ayaa ku sheegay Warsaxaafadeedka in mid ka mid ah garwaaridooda gaashaaman uu ku jiiray shalay Wiil dhalinyaro ah oo marayay nawaaxiga Eleboorka Magaalada Muqdisho.
Gen. Andrew Gutti waxa uu tilmaamay in wadihii gaari uu lumiyay Kontrolka kaddibna uu si shil ah u dilay wiilka.
Shalay ayay aheyd markii Mid ka mid ah gaadiidka Gaashaaman oo ay leeyihiin Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM uu ku jiirray wiil dhalinyaro ah nawaaxiga Eleboorka weyn ee Magaalada Muqdisho xili uu marayay wadada dhinaceeda.























Comments are closed.