Dhuusamareeb (Sh.M.Network)—Jeneraal Cismaan Subagle Abaanduulaha Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM oo wareysi siiyay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay qorshayaasha Ciidamada AMISOM ee ku wajahan Gobolka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya.
Jeneraal Subagle ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada AMISOM ee gaaray qaybo ka mid ah Gobolka Galgaduud ay halkaasi fariisimo ciidan ka sameysteen kuwaasoo uu sheegay in sidoo kale tababarro u fidin doonaan ciidamada ku sugan Gobolka Galgaduud isagoo tilmaamay in ciidamadaasi la qarameyn doono.
Jeneraal Cismaan Subagle ayaa Sidoo kale waxa uu sheegay in Gobolka Galgaduud Ciidamada AMISOM ay u gaareen qaab sahan ah islamarkaana ay wax badan ka qaban doonaan arrimo kala duwan oo u badan sugidda iyo Xaqiijinta Ammaanka isagoo dhinaca kale ugu baaqay shacabka in ay la shaqeeyaan Ciidamada AMISOM ee gaaray halkaasi.
Hadalka ka soo baxay Saraakiisha Ciidamada Midowga Afrika ee gaaray Gobolka Galgaduud ayaa imaanaya xilli qaybo ka mid ah Gobolka Galgaduud ay gaareen Ciidamo ka tirsan Kuwa AMISOM




![Kulanka looga hadlayo ka hortaga dhibaatada Loo geysto Saxafiyiinta oo Galay Maalintiisii Labaad [ Sawirro ]](http://shabelle.net/wp-content/uploads/2013/05/IMG_2111.jpg)


















Comments are closed.