Muqdisho (Sh.M.Network)—Afhayeenka Ciidamada AMISOM Col:Cali Aadan Xumad oo maanta shir jaraa’id ku qabtayXarunta Taliska ciidamada AMISOM ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu kaga hadlay arimo dhowr ah oo ku aadan guud ahaanba ammaanka Muqdisho iyo Gobolladii kale ee dhawaan ay la wareegeen Ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM.
Afhayeenka ayaa waxa uu si weyn uga hadlay xiisadaha ka alowsan Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada hoose oo ay haatan Maamulaan Ciidamada Kenya iyo kooxo huwan ah oo isbaheystay isagoo xusay in AMISOM aysan aqoonsaneen Ciidamo Kenyan ah oo ka madax banaan AMISOM waxaa uuna hoosta ka xariiqay in Ciidamada Kenya ay soo hoos galeen Ciidamada AMISOM isagoo tilmaamay in cid kasta oo ku shaqeyneysa hadafka AMISOM ay soo dhaweenayaan sida uu hadalka udhigay
Korneyl cali adan xumad oo hadalkiisa sii watay ayaa waxa uu shegay in AMISOM ay wax kaqaban donto amnidarada katagan Magaalada kismaayo waxaana uu xusay in sugida ammaanka Magaalada kismaayo ay kugacan siindoonan Dowladda fedaraalka Somaliya,isagoo sidoo kale shegay in siyasadda gobolada jubooyinka ay umadax banantahay dowladda fedaraalka Somalia.
Afhayenka ciidamada AMISOM korneel cali adan xumad ayaa waxa uu shegay in ammaanka Magaalada muqdisho Todobaadkani uu yahay mid la,isku halayn karo kadib markii uu sheegay in ay si weyn uxaqiijiyeen ciidamada Booliska AMISOM iyo ciidamada Booliska dowladda fedaraalka Somaliya isagoona intaasi kudaray in 40- sarkaal ee hatan uu tababarku usocdo ay kadhigidoonan illaa iyo 160-sarkaal kuwaasi oo labari doono qaabka loo suga ammaanka .
In kastoo afhayeenka ciidamada AMISOM uu shegay in ammaanka magalaad muqdisho todobaadkan laxaqiijiyay ayaa hadana waxa Todobaadkani gudihiisa lagu dilay Magaalada muqdisho kudhawaad 10-ruux kuwaasi oo siyaaba kala duwan ay utoogteen kooxa hubaysan oo an haybtooda lagaranaynin.























Comments are closed.