AMISOM oo gacanta ku dhigtay Kooxo dil ka gaystay Muqdisho

maalik_som October 4, 2012 Comments Off

Muqdisho (Sh.M.Network) — Taliska AMISOM ayaa sheegtay inay gacanta kusoo dhigtay rag dilay Saxafiyiin iyo Siyaasiyiin ku sugnaa Magaalada Muqdisho. 

Afhayeenka Ciidamada AMISOM Kornel Cali Aadan Xumed oo shir jaraa’id maanta Warbaahinta ugu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in ammaanka Magaalada uu maalmahaan soo reynayo, inkastoo todobadyadii tagay ay dhaceen qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay ku geeriyoodeen Saxafiyiinta iyo Siyaasiyiin. 

Kornel Xumed ayaa sheegay in AMISOM ay waddo howlgallo ay ku hagaajinayso ammaanka Muqdisho, islamarkaana ay soo qab qabteen rag looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Xarakada AL Shabaab, kuwaasi oo sida uu sheegay la aaminsan yahay in ay ka dambeeyeen qaraxyadii iyo dilalkii Muqdisho ka dhacay todobaadyadii la soo dhaafay, sidoo kalana la soo qab qaban doono kuwa kale. 

Mar ay Shabelle hordhigtay  Afhayeenka AMISOM Su’aal aheyd halka uu ku dambeeyay Askarigii dadka raydidka ahaa ku dilay deegaanka Janaay-Cabdalla ayaa waxa uu ku jawaabay in askarigaasi xukun milatari lagu riday, Ciidanimadii laga eryay islamarkaana baritaan hadda lagu wado.

Hadalkaan ayaa waxa uu imaanayaa xilli Ciidamada AMISOM ay qeyb ka yihiin howlgallada ka socda Magaalada Muqdisho, islamarkaana mararka qaar ay dhacaan qaraxyo Miinooyin ah oo lala eegto gawaridooda ku sugan Magaalada Muqdisho.

Comments are closed.

Facebook

Twitter