AMISOM oo diyaarinaysa Ciidamo Boolis ah oo xaqiijiya ammaanka

maalik_som September 23, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh.M.Network) Taliska AMISOM ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin amni darrada Muqdisho, iyagoo dhinaca kale sheegay inay diyaariyeen Ciidamo boolis ah oo xaqiijiya ammaanka.

Afhayeenka Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM Kornel Cali Aadan Xumed oo waraysi dhinacyo badan taabanaya siiyay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in AMISOM ay aad uga xun tahay falalka ka dhanka ah ammaanka oo maalmihii la soo dhaafay sida isdaba joogga ah kaga dhacayay Magaalada Muqdisho. 

Afhayeenka ayaa sheegay in AMISOM ay diyaariyiin Ciidamo gaar ah oo suga ammaanka Magaalada Muqdisho kuwaasi oo uu tilmaamay in dhawaan ay si rasmi ah ka ga howlgali doonaan Muqdisho. 

Kornel Cali Aadan Xumed ayaa intaasi ku daray in ay garab istaagayaan Siyaasadda dalka Soomaaliya si dowladda ay u gaarto isku filaansho, isagoo tilmaamay in haddii dowladda Soomaaliya  ay ka codsato AMISOM wax ka qabashada shaqsiyaadka amni darrada ka wada Muqdisho ay tallaabo ka qaadayaan. 

Magaalada Muqdisho oo ah Caasimadda dalka Soomaaliya waxaa gacanta si buuxda ugu haya Ciidamada Dowladda oo gacan ka helaya Ciidamada AMISOM,  hasa ahaatee maalmihii lasoo dhaafay waxaa siyaabo kala duwan xaafadaha ku yaalla Muqdisho kaga dhacayay falal ka dhan ah ammaanka oo isugu jiray qaraxyo ismiidaamin ah iyo dilal qorsheysan.

Comments are closed.

Facebook

Twitter