AMISOM oo dhalinyarada Shabaabka ah ugu baaqday inay isa soo dhiiban

maalik_som September 28, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh.M.Network)  Taliska AMISOM ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay dhalinyarada u dagaalamaysa Al Shabaab inay isa soo dhiibaan oo ay naftooda bad baadiyaan. 

Warsaxaafadeed kasoo baxay Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa lagu sheegay in Ciidamada Kenya ee ka tirsan kuwa AMISOM ay gaareen Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada hoose oo maalmihii dambe ay ka taagnaayeen xiisado dagaal.

Taliyaha Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya Jeneral Andree Gutti ayaa waxa uu Warsaxaafadeedka ku sheegay in Ciidamadoodu halkaasi ay u gaareen sidii ay u xoreyn lahaayeen shacabka ku dhaqan Magaaladaasi oo uu sheegay inay dhibaato ku hayaan Ururka Al Shabaab sida uu hadalka u dhigay. 

Jeneral Andree Gutti ayaa waxa uu ugu baaqay dhalinyarada u dagaalamaysa Al Shabaab ee qatarta gallinaya Naftooda inay dhigaan hubka oo ay isku soo dhiibaan Ciidamada AMISOM si ay u bad baadiyaan Noloshooda. 

Ugu dambeyn Gutti ayaa waxa uu sheegay in u jeedkoodu uu yahay in lagu xaqiijiyo gacan ku haynta Magaalada Kismaayo, isagoo dhinaca kale shacabka ugu baaqay inay is dajiyaan oo ay la shaqeeyaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda ee halkaasi gaaray sida uu hadalka u dhigay.

Comments are closed.

Facebook

Twitter