Kismayo(Sh.M.Network)—Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah kuwa AMISOM ayaa sheegay in ay xireen 72 Qof oo la tuhunsanyahay inay xariir la leeyihiin Al shabab kadib howlgallo ay ka sameeyeen magaalada Kismayo.
Afhayeenka Ciidamada Kenyan Colonel Cyrus Oguna ayaa sheegay in dadka ay qabteen ay ka mid tahay Qof dumar ah oo madax u ahayd Haweenka ku jira Al shabab.
“Howlgal Guri ka Guri ah oo 21 October ay Ciidanka Kenya ka sameeyaan Kismayo ayaa waxa ay kusoo qabteen 72 Ruux oo looga shakiyay inay yihiin Al shabab iyo Hub fara badan,” sidaasi waxaa yiri Colonel Cyrus Oguna.
Colonel Cyrus Oguna waxa uu intaasi ku daray in Shacabka reer Kismayo ay gacan ka gaysteen soo qabashada Hogaamiyaha Haweenka Al shabab oo lagu magacaabo Maryan Ciise Maxamed.
Ciidamada Kenya waxa ay sheegeen in Amaanka Kismayo uu yahay hadda mid soo hagaagayo, iyadoo dadka deegaanka ay ka codsadeen Q/M inay qaado xayiraadda saran dhoofinta iyo ka ganacsiga Dhuxusha oo ay dadka ku tiirsanyihiin taasi oo horaanta Sanadkan la xayiray si cadaadis dhaqaale loo saaro Al shabab oo xiligaasi ka arimin jiray magaalada Kismayo.
Kismayo, oo ah magaalada 3-aad ee ugu weyn dalka Soomaaliya ayaa waxaa ku nool dad lagu qiyaasay 200,000 (Labo boqol oo kun), waxaana magaalada la rumaysanyahay inay xudun u ahayd Al shabab oo laga saaray Kismayo horaanta Bishan kadib 2 Bilood oo weeraro dhinaca Cirka, Dhulka iyo Badda ah ay ku hayeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenyan ee AMISOM.



















Comments are closed.