AMISOM: La wareegidda Marka waxay fududeynaysaa qabashada Kismaayo

maalik_som August 28, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh. M. Network) Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sheegay in la weerigitaanka Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh/hoose ay tahay mid dhabaha u xaareysa gacan ku dhigidda Magaalada Kismayo.

Taliyaha Ciidamada AMISOM Andrew Gutti ayaa ku sheegay warsaxaafadeed ay soo saareen in la wareegitaankooda Magaalada Marka ay xaqiijin doonto guud ahaan Ammaanka  Soomaaliya, gaar ahaana degmooyinka iyo deegaannada ay ciidamada dowladda gacanta ku hayaan.

Janaraal Andrew Gutti ayaa hoosta ka xariiqay in gacan ku dhigista Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ee Magaalada Marka aysan kaliya sahleyn dib u soo laabashada Hay’addaha gargaarka, balse ay sidoo kale caawineyso in la qabsado Magaalada Kismaayo gobolka Jubbada hoose.

“AMISOM waxaa ka go’an taageeridda geeddi socodka Nabadda Soomaaliya, howgalkana kaliya ma sahli doono u samafalidda dadka reer Marko, laakiin waxa uu sidoo kale gacan ka geysan doonaa qabsashada Magaalada Kismayo, ujeedkeenu waxa uu yahay in qofkasta oo Soomaali ah uu si xur ah uga qeyb qaato hanaanka dib u heshiisiinta ee hadda soda” sidaasi waxa yiri Janaraal Andrew Gutti.

Taliyaha ayaa sidoo kale ku booriyay dadka ku dhaqan Magaalada Marka in ay isdajiyaan islamarkaana ay ka la shaqeeyaan ciidamada AMISOM ammaanka Magaaladaasi.

Magaalada Jowhar oo qiyaastii 90km Waqooyi ka xigta Muqdisho ayaa hada noqoneysa Magaalada ugu weyn ee ku harsan gacanta Al Shabaab tan iyo markii uu bilaawday howlgalka AMISOM ee hadda ka soconaya gobolada Shabeelooyinka.

Comments are closed.

Facebook

Twitter