Muqdisho (Sh.M. Network)— Taliska Nabad Ilaalinta Midowga Africa ee Soomaaliya AMISOM ayaa sheegay in wax saameyn ah aysan ku yeelan doonin howgalkooda qaraxyada iyo weerarada Al Shabaab ay ka geysanayaan dalka Soomaaliya.
Afhayeenka Ciidamada AMISOM Korneel Cali Aadan Xumud oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in wax saameyn ah aanu AMISOM ku yeelan doonin qaraxyada iyo weerarada mararka qaar Al Shabaab ay ka geysanayaan goobaha ay dowladdu gacanta ku heyso.
Korneel Cali Aadan ayaa waxa uu intaasi ku daray in saraakiisha AMISOM ay canbaareeyeen qaraxii ka dhacay Xeebta Liido ee Magaaalada Muqdisho, kaasi oo uu sheegay in ay geysteen Xarakada Al Shabaab, kuwaasi oo uu ku tilmaamay in dhib waxaan ay aheyn aysan u heyn Umadda Soomaaliyeed.
Afhayeenka AMISOM ayaa si dhiiran u sheegay in Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM aysan ka niyad jabeen howlgalka ay kawadaan Soomaaliya, kaasi oo ay ku doonayaan in ay ku nabadeeyay dhaam Soomaaliya oo hada qeybo kamid ah ay Al Shabaab ka taliyaan.
Howgalka Midowga Africa ee AMISOM oo hada ay qeyb ka yihiin dhawr dowladood ayaa horay u balan qaaday in ay Soomaaliya ay ku soo celinayaan Nabadii iyo Kala danbeyntii la weysanaa muddo 21-sano ah.
Sh.M.Network























Comments are closed.