Baladweyne ( Sh.M.Network) Abaanduulaha Ciidanka AMISOM ahna Taliyaha Ciidanka Jabuuti ee Ku sugan Soomaaliya Jeneraal Cusmaan Subagle oo Lahadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay wiiqantay awooddii Ururka Al Shabaab ee Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.
Jeneraalka ayaa Xusay in Awooddii Al Shabaab in ay ku soo koobmatay Ku dhufoo ka dhaqaaq iyo in ay isku Qarxiyaan Goobaha ay ku suganyihiin Dadka Shacabka ah isagoo carabka ku dhuftay in AMISOM ay Ka go’antahay In dalka ay ka tir tirto Haraadiga wax uu ugu Yeeray Argigixisada Soomaaliya.
Jeneraal Cusmaan Subagle ayaa ugu dambeyntii sheegay in AMISOM ay sii wadeyso Taageerada ay siineyso dowladda Soomaaliya ayna dar dar Gelineyso Howl Galka Ka dhanka ah Al Shabaab.
Ciidanka AMISOM ee ku sugan Soomaaliya ayaa dowladda Soomaaliya ka gacansiiyay in ay la wareegto deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya oo ay Horay Gacanta ugu Hayeen Ururka Al Shabaab.























Comments are closed.