Al Shabaab oo sheegay inay difaacanayaan Kismaayo

maalik_som September 19, 2012 Comments Off

Kismaayo: (Sh.M.Network) Ciidamo ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa maanta buuxdhaafiyay Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada hoose, sida ay sheegeen Saraakiishooda. 

Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose ayaa waxa ay sheegayaan in maanata gudaha Magaaladaasi ay soo buuxiyeen Gawaari iyo Ciidamo badan oo ka mid ah kuwa Al Shabaab. 

Goobjoogayaal ayaa u sheegay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho in Ciidamo badan oo ka tirsan AL Shabaab oo isugu jira kuwa Ajaaniib ah iyo kuwa Soomaaliya ay buuxdhaafiyeen magaalada, iyagoo qaarkood Qoryaha lidka diyaaradaha ku xirtay Daaraha dhaa dheer ee ku yaalla gudaha Magaaladaasi. 

Afhayeenka Al Shabaab Sheekh Cali Max’ud Raage Cali Dheere oo la hadlay Idaacadda Andulus oo maanta dib looga furay Kismaayo ayaa waxa uu sheegay in Saraakiisha Al Shabaab ay ka go’an tahay inay difaacdaan Magaalada Islamarkaana ay ka hortagaan Ciidamada Dowladda iyo Kenya sida uu hadalka u dhigay. 

Hadalkani ayaa waxa uu imaanayaa xilli Ciidamada Dowladda iyo kuwa Kenya ay sheegeen inay kaabiga ku hayaan Magaalada Kismaayo oo ay ku sugan yihiin Al Shabaab.

Comments are closed.

Facebook

Twitter