Al Shabaab oo qoronaya Ardayda wax ka barata Jaamacadaha Pakistan

maalik_som August 24, 2012 Comments Off

Islamabad: (Sh. M. Network)    Warbixin uu daabacay Wargeys kasoo baxa dalka Pakistan oo lagu magacabo The Friday Times ayaa lagu sheegay in Al-qaacidada Soomaaliya ee Al Shabaab ay qoronayaan Arday Soomaaliya oo wax ka barata dalka Pakistan. 

Wargeyska oo soo xiganaya Khubaro Madax banaan oo ku takhasusay waxyaabaha laxariira argagixisada ayaa tibaaxay in Al Shabaab ay diwan galinayaan Ardayda Soomaliyeed ee wax ka barata Jaamacadaha ku yaalla  dalka Pakistan islamarkaana loogu talo galay in weeraro ismidamin ay ka fuliyaan meelo ay ka mid tahay dalalka Yurub. 

Khabiir madax banaan oo wax ka yaqaana fikradaha iyo Qorshayasha la xariira argagixisada oo lagu magacabo Caral Admir oo waraysi siinayay Wargeyska  The Friday Times oo ah wargeys Asbuucla ah, kana soo baxa dalka Pakistan ayaa walaac ka muujiyay in Al Shabaab hadda ay qortaan Ardayda wax ka barta Jaamacadaha dalka Pakistan, taasina ay tahay dhibaato hor leh. 

Ugu dambeyn Wargeyska ayaa soo xigtay hadal uu soo saray Madaxa Ururka Al-qaacida ee Dr.ayman al Dawahiri kaasi oo kula dar daarmay AL Shabaab, kuna dhiiri galiyay inay sii laba jibaraan weerarada  ka dhanka reer galbeedka iyo saxiibadoodaba.

Comments are closed.

Facebook

Twitter