Kismaayo: (Sh. M. Network) Xarakada Al Shabaab ayaa maanta Magaalada Kismaayo kusoo bandhigtay Meydadka askar isugu jirta Ciidamada Dowladda iyo kuwa kale oo Kenyan ah.
Sida ay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho u xaqiijiyeen dad deegaanka ah, maanta ayaa Saraakiil ka tirsan Xarakada Al Shabaab waxa ay gudaha Magaalada Kismaayo ay kusoo bandhigeen Askar la sheegay in Shabaabku ay ku dileen dagaalo ka dhacay duleedka Magaaladaasi.
Meydadka askartaasi oo isugu jiray Soomaali iyo Kenyan ayaa waxa ay kala ahaayeen 2-Kenyan ah iyo labo askari kale oo ka tirsanaa Ciidamada Dowladda, kuwaasi oo maanta Meydadkoodu lagu soo bandhigay Saldhigga Magaalada Kismaayo halkaasi oo ay isugu yimaadeen dad weyne aad u farabadan oo daawanayay Meydadkaasi.
Guddoomiyaha Al Shabaab ee Magaalada Kismaayo Sheekh Xasan Yacquub oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in Al Shabaab ay ka go’an tahay inay la dagaalamaan waxa uu ugu yeeray Cadowga Alle, islamarkaana ay riyo ay tahay in Ciidamada Kenya ay qabsadaan Magaalada Kismaayo sida uu hadalka u dhigay.
Majiro wax war ah oo kasoo baxay Dowladda KMG ah iyo Kenya oo ku aaddan askarta maanta laga soo bandhigay iyagoo Meyd ah, inkastoo duleedka Magaalada Kismaayo muddooyinkii dambe ay ka jireen xiisado dagaal oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda, Kenya oo dhinaca ah iyo Xarakada Al Shabaab.
























Comments are closed.