AL Shabaab oo loogu hanjabay in laga saarayo Bakool

maalik_som August 16, 2012 Comments Off

Xudur: (Sh. M. Network)   Maamulka gobolka Bakool ee Dowladda KMG Soomaaliya ayaa wacad ku maray in sida ugu dhaqsiyaha badan Al Shabaab ay ugu saarayaan deegaannada iyo degmooyinka ay kaga sugan yihiin gobolkaasi.

Guddoomiyaha degmada Xudur ee Dowladda KMG Soomaaliya Max’ed Macalin oo waraysi siiyay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in uu socdo qorshe Maamulka gobolka Bakool ee Dowladda uu wado kaasi oo ku aaddan in Al Shabaab sida ugu dhaqsiyaha badan looga saaro deegaannada iyo degmooyinka ay kaga sugan yihiin gobolka Bakool.

Guddoomiyaha ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada Dowladda ay hakiyeen howlgalladii ka dhanka ahaa Al Shabaab ee ka socday halkaasi inta lagu guda jiray bisha Ramadaan, degmadana iminka uu ka jiro dhaq dhaqaaq iyo abaabul ku aaddan sidii Ciidamada ay ugu jiheysan lahaayeen goobaha ay ku sugan yihiin Al Shabaab. Marka ay idlaato bisha Ramadaan.

Dhinaca kale guddoomiyaha aya waxa uu faah faahin ka bixiyay dagaal qasaaro gaystay oo Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Al Shabaab ku dhexmaray degmada Xudur ee gobolka Bakool, isagoo tilmaamay in khasaaro ay gaarsiiyeen Ciidamadii Al Shabaab ee weerarka ku qaaday gudaha degmadaasi islamarkaana aan jirin wax qasaaro ah oo soo gaaray dhankooda sida uu hadalka u dhigay.

Degmad Xudur ee gobolka Bakool ayaa muddooyinkii dambe waxaa kusoo kordhayay dagaalada u dhaxeeya Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa Ethiopia iyo Xarakada Al Shabaab.

Comments are closed.

Facebook

Twitter