Al Shabaab oo lagu eedeeyay inay gooraceen Haweenay

maalik_som August 23, 2012 Comments Off

Odwiinle: (Sh. M. Network) Ciidamo ka tirsan Al Shabaab ayaa la sheegay in deegaanka Owdiinle ay ku gooraceen qof dumar ah, iyadoo falkaasi ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Ahlu Sunna Waljamaaca. 

Guddoomiyea ku xiggeenka gobolada Koofureed ee Maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca Yoonis Macallin Max’ed oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay gabar la sheegay in shalay Al Shabaab ay ku gooraceen deegaanka Owdiinle oo u dhaxeeya Magaalooyinka Bardaale iyo Baydhabo. 

Yoonis Macallin Max’ed ayaa waxa uu xaqiijiyay in gabadha la gooracay ay la socotay Rakaab shacab ah oo saarnaa Gaari kasoo dhaqaajiyay degmada Bardaale, kuna sii jeeday Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay, hase ahaatee Al Shabaab ay dhexda u galeen gaarigii BL-ka ahaa islamarkaana ay kasoo dajiyeen gabadha. 

“ Markii ay gaariga kasoo dejiyeen waxay ula dhaqaaqeen dhulka Howdka ah, waqti gaaban kaddibna, waxaa deegaanka Owdiinle lasoo dhigay Gabadha oo lasoo gooracay” sidaasi waxa yiri Yoonis Macallin. 

Waxa uu sheegay in Al Shabaab ay wadada u galaan Gawaarida isticmaasha inta u dhaxeysa Bardaale iyo Baydhabo, kaddibna ay waxyeeleeyaan shacabka saaran gawaarida. 

Majiro wax war ah oo kasoo baxay Al Shabaab oo ku aaddan gooraca la sheegay in Ciidamo ka tirsan Ururkooda ay u gaysteen Hawaanay Soomaaliyeed, hase ahaatee Al Shabaab ayaa inta badan lagu eedeeyaa dhibaateynta dadka shacabka ah.

Comments are closed.

Facebook

Twitter