Ceel-macaan: (Sh. M. Network) Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo is garab sanaya ayaa la wareegay deegaanno hor leh oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe.
Saraakiila ka tirsan Ciidamada Dowladda iyo Maamulka gobolka Sh/dhexe ee Dowladda KMG ah oo la hadlay Idaacada Shabelle ayaa waxa ay sheegeen in Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo is garabsanaya ay mareen deegaanno dhaca Xeebta, islamarkaana ay la wareegeen deegaanka Ceel-macaaan iyo deegaanno kale oo hor leh sida ay hadalka u dhigeen.
Inta aysan Ciidamada dowladda la wareegin deegaannadaasi ayaa waxa ay dagaal la galeen Ciidamada Al Shabaab oo ku sugnaa halkaasi, iyagoo markii dambe ay suuro gashay in Ciidamada dowladda ay dhabarka marsadaan deegaannadaasi sida uu Idaacadda Shabelle u sheegay Afhayeenka Maamulka gobolka Sh/dhexe ee dowladda KMG Soomaaliya Daa’uud Xaaji Ciiro.
“Qorshaheenu waxa uu ahaa in Al Shabaab laga xoreeyo guud ahaan gobolka Sh/dhexe, howlgal qorsheysan ayaan kula wareegnay Deegaanka Ceel-macaan iyo deegaanno kale oo ka baxsan” sidaasi waxa yiri Afhayeenka Maamulka gobolka Sh/dhexe ee dowladda KMG Soomaaliya Daa’uud Xaaji Ciiro.
Goobaha ay la wareegeen Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa waxaa gaaray Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo halkaasi qudbado ka jeediyay.
Xaaladda ayaa degan, waxaana howlgalkaani uu qeyb ka kuwa ka dhanka ah Al Shabaab oo ay wadaan Ciidamada dowladda iyo AMISOM.























Comments are closed.