Al Shabaab oo la sheegay inay isaga baxeen Kismaayo iyo bililiqo socota

maalik_som September 29, 2012 Comments Off

Kismaayo: (Sh.M.Network)  Ciidamada Al Shabaab ee ku sugan Kismaayo ayaa la sheegay inay isaga baxeen, iyaadoo shacabka Magaaladaasi ay bilaabeen bililiqo ay u gaysanayaan Xarumihii hore ee Dowladda iyo kuwa Al Shabaab.

Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamadii Al Shabaab ee ku sugnaa gudaha Magaaladaasi ay isaga baxeen saqdii dhexe ee xalay. 

Dad deegaanka ah oo qadka Taleefonka kula hadlay Idaacadda Shabelle, kana gaabsaday magacyadoodu ayaa sheegay in xalay gudaha Magaalada ay ka maqlayeen guuxa Gawaarida dagaalka ah oo ay leeyihiin Ciidamada Al Shabaab. 

“Ciidamada Al Shabaab way isaga baxeen Kismaayo, dadka shacabka ayaa saakay ku xoomay Xarumaha Al Shabaab ay ku lahaayeen Kismaayo iyo kuwii hore ee Dowladda, xaaladda Magaalada way kacsan tahay” sidaasi waxa yiri mid ka mid ah dadka deegaanka ah.

Idaacaddii Andulus ee ku hadleysay afka Al Shabaab, shalay illaa xalayna ay baahinaysay warar ku saabsan dagaalada ka socda Kismaayo iyo baraarujin ay ku hayeen Shacabka oo ku aaddan ka qeyb qaadasha dagaalka ayaa saakay Hawada Magaaladaasi laga la’yahay. 

Sidoo kale Al Shabaab ayaa la sheegay in Xabsiyada Magaalada ay kasii daayeen Maxaabiis badan oo ay horey dambiyo kala duwan ugu eedeeyeen, maadaama xaaladda Magaalada ay mugdi sii gallayso. 

Wararkii ugu dambeeyay ayaa saakay waxa ay sheegayaan in Ciidamo badan oo ka tirsan kuwa Kenya ay ku sugan yihiin Xeebaha Magaaladaasi, islamarkaana saakay laga cabsi qabo in duulaan kale ay halkaasi ka bilaabaan.

Comments are closed.

Facebook

Twitter