Al Shabaab oo la sheegay in laga gubay Gaadiid dagaal

maalik_som September 15, 2012 Comments Off

Kismaayo: (Sh. M. Network)  Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal shalay Ciidamada Dowladda oo gacan ka helaya Ciidamada Kenya iyo Xarakada Al Shabaab ku dhexmaray deegaanno duleedka ka ah Magaalada Kismayo ee Xarunta gobolka Jubbada hoose.

Taliyaha Ciidamada dowladda Soomaaliya ee gobolada Jubbooyinka Ismaaciil Saxar –diid oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in dagaalkii shalay ay ku gubeen Gaari uu ku sheegay inay saarnaayeen dagaalyahanno Ajaaniib ah kuwaasi oo ka bar bar dagaalamayay Ciidamada Ururka Al Shabaab. 

Ismaaciil Saxar-diid Taliyaha Ciidamada Dowladda ee Jubbooyinka ayaa waxa uu sheegay in qorshahooda ugu dambeeya ee howlgalka ka soconaya Jubbooyinka uu yahay in Magaalada Kismaayo ay ka fara maroojiyaan dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab oo ay ku xooggan yihiin, isagoo ugu baaqay shacabka ku nool Magaaladaasi iyo goobaha kala oo ay ka taliyaan Al Shabaab inay is da jiyaan islamarkaana aysan jirin wax dhibaato ah oo ay kala kulmayaan Ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya. 

Magaalo Xeebeedka Kismaayo o Xarun u ah gobolka Jubbada hoose ayaa xilligaani waxaa deegaanno ku dhow dhow ay yihiin kuwa xaaladoodu ay tahay mid dagaal oo ay isku horfadhiyaan Ciidamada Dowladda oo gacan ka helaya kuwa Kenya iyo Xarakada A Shabaab, lamnana saadaalin karo in Ciidamada Dowladda iyo kuwa Kenya ay si fudud kula wareegaan Magaaladaasi maadaama ay tahay in Magaalo ay ku xooggan yihiin Ciidamada Ururka Al Shabaab.

Comments are closed.

Facebook

Twitter