Muqdisho: (Sh. M. Network) Wasiir ku xiggeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumaddii hore ee Gaas Max’ed Cali Catoosh oo waraysi siiyay Idaacadda shabelle ayaa waxa uu ka hadlay dagaaladii iyo duqeymihii muddooyinkii dambe ka dhacayay deegaanno hoostaga Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose.
Wasiir ku xiggeenka waxa uu sheegay in duqeymihii ugu dambeeyay ee laga fuliyay deegaannadaasi ay ku geeriyoodeen Ajaanib badan oo ka bar bar dagaalamaysay Xarakada Al Shabaab kuwaasi oo ku sugnaa meelihii laga fuliyay duqeymahaasi.
Sidoo kale Max’ed Cali Catoosh ayaa ka hadlay howlgalka ugu dambeeya ee Ciidamada Kenya iyo kuwa Dowladda ay ku doonayaan inay kula wareegaan gacan ku haynta Magaalo Xeebeedka Kismaayo ee Jubbada hoose, isagoo tilmaamay Wasiirka in u jeedka Dowladda iyo kuwa Kenya uu yahay in Al Shabaab dhamaan laga saaro gobolada ay ku sugan yihiin.
Maalmihii ugu dambeeyay ayaa deegaanno badan oo ka tirsan gobolka Jubbada hoose gaar ahaan Kismaayo waxaa ka soconayay duqeymo xooggan kuwaasi oo bartilmaameedkoodu uu ahaa ciribtirka Kooxda Al Shabaab.























Comments are closed.