Al Shabaab oo isaga baxay Kismaayo

maalik_som September 16, 2012 Comments Off

Kismaayo: (Sh. M. Network)   Kismaayo oo gacan ku heynteeda muddooyinkii dambe ay isku haysteen Ciidamada Dowladda oo kaashanaya kuwa Kenya iyo Al Shabaab oo Maamulayay Magaaladaasi, dadkuna ay muujinayeen cabsi ayaa xalay illaa saakay waxaa la arkayay Ciidamo ka tirsan Al Shabaab oo isaga baxayay Magaaladaasi.

Dadka deegaanka ah oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa ay sheegeen in saacadihii u dambeeyay la arkaay Gaadiid kuwa dagaalka ah oo ay leeyihiin Al Shabaab iyo Gaawaari kale oo sida la sheegay ay kireysteen Al Shabaab oo Magaaladaasi ka daabulayay Ciidamada Al Shabaab, inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn halka ay beegsadeen Ciidamadaasi ayaa haddana wararku waxa ay sheegayaan inay abaareen Deegaan lagu magacaabo Ambareeso oo ka tirsan Jubbada hoose.

Wararka ayaa waxa ay leeyihiin in sidoo kale Magaalada Kismaayo xilligaani ay tahay mid haawanaysa, dadkanu ay ku dhur sugayaan cidda la wareegi doonta gacan ku haynta Kismaayo. 

Ciidamo ka tirsan Al Shabaab ayaa la sheegay inay gabi ahaamba fasaxeen Maxaabiis ku xir xirneyd Xabsiyo ku yaalla gudaha Kismaayo, taasina xaalka Magaalada ay kasii dhigtay mid kacsan. 

Dhinaca kale Wararka laga helayo deegaanka Birta dheer oo ka tirsan Jubbada hoose ayaa sheegaya in halkaasi ay ku dhacayaan Madaafiic ay is weedaarsanayaan Ciidamada Dowladda, Kenya iyo Ciidamo tiro yar oo ka tirsan Al Shabaab. Hase ahaatee ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Al Shabaab oo ku aaddan arrinkaani inkastoo dadka deegaanka ay xaqiijiyeen in Magaalada  inta badan ay baneeyeen Xarakada Al Shabaab.

Wixi kusoo kordha kala soco Shabelle.net haddii Alle Idmo

Comments are closed.

Facebook

Twitter