Kismaayo: (Sh.M.Network) Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Jubbooyinka ayaa sheegay in Al Shabaab Magaalada Kismaayo ay ka bilaabeen inay hub gacanta u galiyaan Beelaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaaladaasi.
Max’ed Faarax Daahir oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada ee Jubbooyinka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in Al Shabaab ay bilaabeen inay hubeeyaan dadka ku dhaqan Jubbooyinka gaar ahaan Magaalada Kismaayo inay doonayaan inay ka abuuraan Beelo qaata hubka.
Sarkaalkaani ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada Dowladda iyo Raaskambooni ee dagaalada kula jira Al Shabaab ay kasoo jeedaan Jubbooyinka, islamarkaana ay ka go’an tahay inay meesha ka saaraan Kooxda Al Shabaaab sida uu hadalka u dhigay.
“ Al Shabaab waxay bilaabeen in Beelaha dega Kismaayo ay hub gacanta u galiyaan hadda qaarkood waaba la hubeeyay” sidaasi waxa yiri Max’ed Faarax Daahir oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada ee Jubbooyinka.
Hadalkaani ayaa waxa uu imaanayaa xilli Ciidamada dowladda ay kaabiga ku hayaan Magaalada Kismaayo oo ay maalmo ka hor gaareen Gurmed ka socday Al Shabaab.























Comments are closed.