Al Shabaab oo dad rayid ah ku xir xiray deegaanno ka tirsan Sh/hoose

maalik_som October 11, 2012 Comments Off

Buulo-Mareer: (Sh.M.Network)—   Ciidamo ka tirsan Al Shabaab ayaa dad rayid ah ku xir xiray deegaanno ka tirsan gobolka Sh/hoose. 

Wararka ka imaanaya deegaanka Buulo-mareer ee gobolka Sh/hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Al Shabaab ee ku sugan halkaasi ay xireen dad rayid ah oo ku sugnaa gudaha deegaankaasi.

Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho waxaa warkaan u xaqiijiyay qaar ka mid ah dadka deegaanka ah oo sheegay in shalay gallinkii dambe Ciidamada Al Shabaab ay deegaankaasi ka wateen illaa 3-ruux oo ahaa gancsato islamarkaana Shabaabku ay xireen.

“Illaa 3-qof ayay wateen Ciidamada Al Shabaab, kollay way xireen, annaga dadkii shacabka ahaa ayaanu nahay, ma garan karno wax dadkaasi loo watay” sidaasi waxa yiri goobjooge qariyay magaciisa. 

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Al Shabaab oo ka hadlay xarigga loo geystay dadkaasi ayaa waxa ay sheegeen in 3-daasi ruux lagu eedeeyay inay Sirdoon u yihiin Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMIOM ee duulaanka ku ah Al Shabaab. 

Arrintaani ayaa waxa ay imaanaysaa xilli Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay qorsheynayaan in Al Shabaab ay guud ahaan ka ciribtiraan gobolka Sh/hoose oo ay iminka ka Maamulaan deegaanno faro ku tiris ah.

Comments are closed.

Facebook

Twitter