Kismaayo: (Sh.M.Network) Xarakada Al Shabaab ayaa la sheegay in dad rayid ah ku dileen gudaha Magaalad Kismaayo.
Sida ay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho u xaqiijiyeen dad deegaanka, ku dhawaad shan qof oo rayid ah ayaa xalay lagu dilay Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada hoose.
Goobjoogayaasha ayaa u sheegay Shabelle in shantaani qof ee rayid ah ay dileen Xarakada Al Shabaab kuwaasi oo ay ku eedeeyeen inay u jaajuusayeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa Kenya oo dhinaca ah islamarkaana dagaalo kala soo horjeeda Ururka Al Shabaab.
Sidoo kale goobjoogayaasha ayaa sheegay in dilka dadkaani ay aad ugu walaacsan yihiin Xaaaladda adag ee iminka ka taagan gudaha Magaaladaasi, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Al Shabaab oo ku aaddan dilkaani dadka rayidka ah loogu geystay Magaalada Kismaayo.
“Walaahi xaaladdda way iska xun tahay, dadka shacabka ah waa kuwa dareen ku joog ayh, marka mar waliba dagaal ayaan ka cabsi qabnaa” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah dadka deegaanka ah.
Al Shabaab ayaa inta badan deegaannada ay ka Maamulaan gobolada dalka waxa mararka qaar ka dhaca dilal arxan darro ah oo loo geysto dad rayid ah oo aan waxba galabsan kuwaasi oo ay dilkooda sabab ugu dhigaan dambiyo ay ku galeen Maamulka Al Shabaab ee ka arrimiya halkaasi.























Comments are closed.