Kismaayo: (Sh.M.Network) Xarakada Al Shabaab ayaa sheegtay inay isaga baxeen Magaalada Kismaayo, iyadoo dhinaca kale Saraakiisha Ciidamada Dowladda aay sheegeen inay ka go’an tahay inay gudaha u galaan Magaaladaasi.
Afhayeenka Guud ee Al Shabaab Sheekh Cali Max’ud Raage Cali Dheere ayaa sheegay inay isaga baxeen Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose, waliba qaab xeeladaysan.
“Ka bixitaankeena Kismaayo waxaa ku daadan doona dhiig badan” sidaasi waxa yiri Cali Dheere.
Gaarigii ugu dambeeyay oo ay lahaayeen Ciidamada Al Shabaab ayaa la sheegay in saakay waaberigii uu isaga baxay gudaha Magaalada sida ay ku waramayaan dadka deeganka ah.
Jeneral Ismaaciil Saxar-diid oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in u jeedkoodu uu yahay inay gudaha u galaan Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada hoose oo ay Maamuleyeen Al Shabaab.
“ Hadda dhibaatada inaan ka dul qaadno shacabka ayaa u jeedkeenu yahay, maahan inaan hakano, waa lagama maarmaan inaan isku fidini Kismaayo” sidaasi waxa yiri Jeneral Saxar-diid.
Shacabka Magaalada Kismaayo ayaa maanta ah kuwa ku sugan guryahooda, iyagoo ka cabsanaya duqeymo ka dhaca gudaha Magaalada, inkastoo ay isaga huleeleen Al Shabaab.























Comments are closed.