Al Shabaab oo amaro dul dhigay shacabka Kismaayo

maalik_som September 20, 2012 Comments Off

Kismaayo: (Sh.M.Network)  Al Shabaab ayaa ku amray sida la sheegay dadku dhaqan Magaalada Kismaayo inaysan ka barakici karin kuwii barakacayna ay waajib tahay inay dib usoo laabtaan.

Dadkaani oo isugu jira Haween, Rag iyo Caruur ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxa ay ka barakacayeen  Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose kaddib markii halkaasi ay kasoo cusboonaadeen xiisado colaadeed oo u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya kuwa Kenya oo dhinaca iyo Xarakada AL Shabaab.

Duleedyada Magaalada Kismaayo ayaa maalmihii u dambeeyay waxaa ka socday dagaalo u dhexeeya Ciidamada dowladda Soomaaliya oo garabsanaya kuwa Kenya iyo Xarakada Al Shabaab  kuwaasi oo isku haya gacan kuheynta Magaaladaasi.

Ciidamo badan oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab ayaa dhawaan faarujiyay Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose, iyadoo shalay dib loogu arkay ciidamo ka tirsan Xarakada AL Shabaab oo Magaalada soo buux dhaafiyay.

Shacabka ku dhaqan Magaalada Kismaayo oo qaarkood manta la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa ay sheegeen in Al Shabaab ay amar ku bixiyeen in Magaalada aysan ka bixi Karin, intii ka baxdayna ay ku amrayeen in ay dib ugu laabtaan Magaalada Kismaayo sida ay hadalka u dhigeen.

Arrintaani ayaa culees weyn keeni doonta haddii uu dagaal ka dhaco Magaalada Kismaayo oo haddaba ay ka taagan yihiin xiisado dagaal oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda oo gacanta ka helaya kuwa Kenya iyo Xarakada Al Shabaab.

Comments are closed.

Facebook

Twitter