Ahlusunna Waljamaaca: Dowladda waa Ku Guuleysatay soo Celinta Xiriirkeeda dibadda

maalik_som February 1, 2013 Comments Off

Dhuusamareeb ( Sh.M.Network) Shekh Axmed Cabdullaahi Ilka Case Guddoomiye Ku Xigeenka Guddiga fulinta Ahlusunna Waljamacaa   oo Lahadlay Idaacadda Shabelle dee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu shegay in Horumar Lataaban karo ay Ku tallaabsatay Soomaaliya.

Sheekh ilka Case ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay Ku tallaabsatay Xiriir Siyaasadeed oo dhinaca dibadda ah Kadib Markii Aqoonsiyo Caalami ah ay Ka heshay dowladaha Mareekanka iyo Midowga Yurub.

Guddoomiye Ku xigeenka Guddiga Fulinta Ahlusunna Waljamaaca ayaa sheegay in Loo baahanyahay in La taageero dowladda Soomaaliya oo uu tilmaamay in ay Ku Guuleysatay in ay Soo celiso Xiriirkeeda dibadda Sida uu Hadalka u dhigay.

Ahlusunna Wal Jamaaca ayaa Haatan waxaa Heshiisyo ay La galayaan Masuuliyiinta Dowladda Soomaaliya Kuwaasi oo ah Sidii Ahlusunna Waljamaaca iyo Maleeshiyadeeda ay U taageeri Lahaayeen dowladda Federaalka Soomaaliya islamarkaana Loogu Biirin lahaa dowladda Soomaaliya

Comments are closed.

Facebook

Twitter