Dhusamareeb(Sh.M.Network)—Max’ed cartan guureeye oo sheegtay in uu yahay taliyaha ahlusuna waljamaca ee Gobollada dhexe ayaa shir Jara’id uu uqabtay Warbaahinta waxa uu sheegay in ay diyaariyeen Ciidamo badan oo xaqiijiya ammaanka Gobolka Galgaduud.
Taliyaha ayaa xusay in Ciidamadaasi ay Diyaar uyihiin ka hortaga caqabad kasta oo ammaanka Gobolkaasi ka dhana iyo weeraro ay isku soo dayaan in Ururka Al Shabaab ay ka geestaan Gobolkaasi.
Dhinaca kale taliyuhu waxa uu xusay in ay udiyaar Garoobeen duulaan ka dhana Deegaanada ay Maamulaan Ururka Al Shabaab ee Gobolkaasi Galgaduud isagoo carabka ku dhuftay in Gobolka aanu wado joogi doonin AL Shabaab iyo Culumaa’udiinka Ahlusunna Waljamaaca.
Maalmihii Dambe ayaa Ururka ahlusunna waljaamaaca waxaa kulamo isdaba Jooga ay ku lahaayeen Deegaano iyo Degmooyin hoostaga Gobolka Galgaduud kuwaasi oo ay uga arrinsanayeen ammaanka Guud ahaan Gobolka Galgaduud i iyo sida Al Shabaab looga saari karo meelaha ay kaga suganyihiin Gobolkaasi























Comments are closed.