Dhuusamareeb: (Sh. M. Network) Maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobolada dhexe ayaa soo dhaweeyay Caleemo saarkii Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.
Afhayeenka Culumaa’uudinka Ahlu Sunna Waljamaaca Sheekh C/laahi Sheekh C/raxmaan Abuu Yuusuf Al-qaaddi oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay inay soo dhaweynayaan in Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya uu si rasmi ah ula wareego tallada dalka Soomaaliya.
Abuu Yuusuf ayaa waxa uu sheegay in Caleemo Saarkii Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya loogu sameeyay Magaalada Muqdisho uu yahay mid taariiiqi ah, isagoo xusay in haatan ay muuqanayaan ififaallo Caalamka ay arragtiyo wanaagsan kaga qaateen Soomaaliya.
Shalay ayaa Magaalada Muqdisho waxaa lagu Caleemo saaray Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, iyadoo ay xusid mudan tahay in Munasaabaddii lagu caleemo saarayay ay kasoo qeyb galeen Madaxweynayaasha Wadamo saaxiibo la ah Soomaaliya iyo Wafuud ka kala socda Beesha Caalamka.




![Kulanka looga hadlayo ka hortaga dhibaatada Loo geysto Saxafiyiinta oo Galay Maalintiisii Labaad [ Sawirro ]](http://shabelle.net/wp-content/uploads/2013/05/IMG_2111.jpg)


















Comments are closed.