Ahlu Sunna oo sheegtay in lagu hungoobay weerarkii Madaxweynaha

maalik_som September 14, 2012 Comments Off

Dhuusa-mareeb: (Sh. M. Network)   Maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya ayaa sheegay in qaraxii lagu weeraray Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya uu ahaa mid lagu hungoobay.

 Afhayeenka Guud ee Ahlu Sunna Waljamaaca Sheekh Cabdullaahi Sheekh C/raxmaan Abuu Yuusuf (Al-qaaddi) oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay inay cambaareynayaan qaraxii dhawaan lala eegtay Hotel Magaalada Muqdisho uu ka deganaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Max’ud. 

Al-qaaddi ayaa waxa uu sheegay in dadka qaraxyadaasi malleegay ay yihiin kuwa caddeynaya inay kasoo horjeedaan Dowladnimada Soomaaliya iyo  rajada xilligaani ka muuqanaysa dalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay inay ku hungoobeen hadafkoodii ahaa inay carqaladeeyaan ammaanka dalka Soomaaliya. 

Afhayeenka ayaa waxa uu dhinaca kale soo hadal qaaday in is badalka dalka Soomaaliya lagu sameeyay micnaheedu uusan aheyn in Laamaha ammaanka ay ka gaabiyaan howlahooda ku aaddan xaqiijinta ammaanka, isagoo intaasi ku daray in haddii la badalay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya uusan micnaheedu aheyn in la badalayo Talisyada Ciidamada dowladda sida uu hadalka u dhigay. 

Hadalka kasoo baxay Maamulka Ahlu Sunna Waljamaac ee gobolada dhexe ayaa waxa uu imaanayaa xilli maalmahaani ay isa soo tarayeen cambaareynta iyo dhaliisha loo jeedinayo kooxihii ka dambeeyay weerarkii dhawaan lagu qaaday Hotel uu Magaalada Muqdisho ka deganaa Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Max’ud.

Comments are closed.

Facebook

Twitter