Ahlu Sunna oo sameysanaysa Dowlad goboleed

maalik_som August 29, 2012 Comments Off

Dhuusamareeb: (Sh. M. Network) Guddoomiyaha Guddiga Tallada ee Maamulka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca Sheekh Cumar Sheekh C/qaadir oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in  Ahlu Sunna ay sameysanayso Maamul goboleed, maadaama magaca Ahlu Sunna wax badan ay ku howlgalayeen.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in marxaladda uu dalka ku jiray laga gudbay, loona gadbay in Soomaaliya ay yeellato Dowladda Federal ah, sidaasi darteedna Ahlu Sunna ay sameysanayso Maamul goboleed u gaar ah sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan isku raacnay oo aan go’aan sanay inaan sameynaysano Maamul cusub, maadaama 4-sano lagu soo howlgalayay Ahlu Sunna, waxaana Maamulka Ahlu Sunna uu isku badalayaa Dowlad goboleed” sidaasi waxa yiri Guddoomiyaha Guddiga Tallada   Sheekh Cumar Sheekh C/qaadir.

Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka jiray Maamul badan oo loogu dhawaaqayay gobolada dalka Soomaaliya, iyadoo aan la’ogeyn Maamulka Ahlu Sunna ay ku dhawaaqi doonto  waxa uu kusoo kordhayo dalka.

Comments are closed.

Facebook

Twitter