Dhuusamareeb: (Sh. M. Network) Warsaxaafadeed kasoo baxay Maamulka Culumaa’uddiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobolada dhexe ayaa lagu cambaareeyay Filim dhawaan ay soo saareen Rag u kala dhashay Dowladda Maraykanka iyo Maamulka Israel oo lagu aflagaadeeyay Islaamka.
Warsaxaafadeedkaasi kaddib ayaa waxaa Idaacadda Shabelle la hadlay Sheekh C/risaaq Max’ed Cali (Al-Ashcari) kaasi oo sheegay in Ahlu Sunna ay ka go’an tahay inay caddeeyaan fakarka kaga aaddan aflagaadada loo gaysto Islaamka, wuxuuna carabka ku dhuftay inay ka hortagayaan danaha Reer Galbeedka ee lagu aflagaadeynayo Diinta Islaamka.
” Waxaa naga go’an inaan bartilmaadmeedsano dadka aflagadayyay Nabigeena Muxamed (N.N.K.H) sida kuwa Maraykanka iyo kuwa Yuhuudda, waxaan caddaynaynaa in sababaha ay reer galbeedka ugu soo celcelinayaan aflagaadada Islaamka” sidaasi waxa yiri Sheekh C/risaaq Max’ed Cali (Al-Ashcari).
Sidoo kale Mas’uulkaani ayaa waxa uu sheegay in Culumaa’udiinka ay ka dalbanayaan Dowladda Maraykanka inay Maxkamad soo horistaajiso ragga ka dambeeyay falkaasi, islamarkaana tallaabo laga qaado.
Maalmihii dambe ayaa waxaa cirka isku sii shareerayay Cambaareynta ku aaddan Aflagaadadii loo geystay Islaamka, iyadoo ay jiraan Banaanbaxyo looga soo horjeeday arrintaasi oo ka kala dhacay dalka Soomaaliya iyo wadamada Islaamka ah.























Comments are closed.