Abuu Muscab: Dilkaan waxa uu Cashar u yahay Xildhibaanada barlamanka

maalik_som September 23, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh.M.Network)  Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda dil xalay Magaalada Muqdisho loogu geystay Xildhibaan ka tirsanaa barlamanka, iyagoo dhinaca kale digniin u jeediyay Xildhibaanada kale. 

Afhayeenka dhinaca howlgallada ee Al Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo waraysi siiyay Wakaaladda Wararka ee Reuters  ayaa waxa uu sheegay in Al Shabab ay ka dambeeyeen dilkii loo geystay Xildhibaan ka tirsanaa barlamanka Soomaaliya oo lagu magacaabay Mustaf Xaaji Max’ed oo habeenimadii xalay lagu dilay gurigiisa hortiisa xilli ay soo dhaweyd Salaaddii Cishaha. 

Abuu Muscab ayaa waxa uu xusay in Xubno ka tirsan Al Shabaab ay fuliyeen dilkaasi oo ahaa mid qorsheysan, waxaana uu tilmaamay in marar badan ay ugu digeen inay ka mid noqdaan Xildhibaanada cusub ee barlamanka Soomaaliya. 

Isagoo hadalkiisa wata ayaa waxa uu intaasi ku daray in dilkaani uu hor dhac u yahay dilal qorsheysan oo ay Al Shabaab ka wadaan Magaalada Muqdisho kuwaasi oo uu tibaaxay in looga soo horjeedo Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada shisheeye ee ku sugan Magaalada Muqdisho. 

Dhianca kale waxa uu sheegay Abuu Muscab in rag ka tirsan Al Shabaab ay ku sugan yihiin guud ahaan degmooyinka gobolka Banaadir, iyagoo bartilmaameedsanaya Saldhigyada, Xafiisyada iyo shaqsiyaadka ka tirsan Dowladda sida uu hadalka u dhigay. 

Geerida Xildhibaanka ayaa waxa uu qeyb ka yahay kuwa qorsheysan oo maalmihii lasoo dhaafay si isdaba joog ah ugu socday gobolka Banaadir kuwaasi oo ay ku baxeen dad badan oo ay ku jiraan Saxafiyiin Soomaaliyeed.

Comments are closed.

Facebook

Twitter