Nabad Sugidda: Waan Ciribtirnay Kooxaha dhibaatada wada

maalik_som October 1, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh.M.Network) Hay’adda Nabad Sugidda gobolka Banaadir ayaa maanta shaaca ka qaadday in la ciribtiray dadki ammaan darrida ka waday Magaalada Muqdisho. 

Isagoo warfidiyeennada kula hadlayay Magaalada Muqdisho Khaliif Axmed Ereg, Taliyaha Ciidamada Nabad Sugidda  gobolka Banaadir ayaa waxa uu sheegay in Magaalada Muqdisho ay ka cirib tireen sida uu hadalka u dhigay Kooxihii dhibaatooyinka ka gaysan jiray degmooyinka kala duwan ee gobolka Banaadir. 

Ereg ayaa waxa uu tilmaamay in Ciidamada Nabad sugidda Qaranka Soomaaliyeed ay dhameystirayaan xaqiijinta ammaanka Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, isagoo xusay in Xaaladdu haatan ay tahay mid xasiloon oo aysan jirin wax dhibaato ah oo ay la kulmayaan shacabka Soomaaliyeed. 

Khaliif Axmed Ereg ayaa waxaa uu intaasi ku daray in howlgallo Ciidamada Naba Sugidda oay ka sameeyeen degmooyinka Yaaqshid, Waaberi iyo Dayniile ay kusoo qab qabteen illaa 4-ruux oo uu tilmaamay inay ka tirsan yihiin Xarakada Al Shabaab kuwaasi oo ay Ciidamada Naba sugidda gacanta ku dhigeen xilli ay dagaalamayeen. 

Saraakiisha Ciidamada Naba Sugidda ayaa dhowr jeer oo horey waxa ay ku cel celiyeen inay xaqiijiyeen ammaanka Muqdisho, inkastoo haddana mararka qaar ay dhacaan falal ka dhan ah amaanka oo ay geysanayeen Kooxo hubaysan.

Comments are closed.

Facebook

Twitter