7-qof oo Rayid ahaa oo lagu dilay gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya

maalik_som February 21, 2013 Comments Off

Muqdisho (Sh.M. Network)— Kooxo hubeysan ayaa 7-qof oo Rayid ahaa ku toogtay deegaan ka tirsan gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya.

Wararka laga helayo gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegaya in dabley hubeysan oo ka koobnaa 10-ruux ay rasaas ooda kaga qaadeyn dad ka soo baxayay Masjid kuyaalla deegaanka Malaaley oo u dhaw xirada qaxootida ee Dhadhaab ee Waqooyi Bari Kenya.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in falkan dilka ah uu dhacay Salaadii subax ee saakay kaddib dadka la dilayna qaarkood ay Masjidka ka soobaxeen.

Waxaa la sheegay in dadka la dilay ay ka koobnaayeen 5-Nin iyo labo dumar ah iyadoo toogasha hablahana ay kadanbeysay markii ay ku soo baxeen dhaqa rasaasta oo ay maqleen.

Guddoomiyaha degmadda Gaarissa oo la hadlay Wakaalada Wararka ee Faransiiska AFP ayaa u sheegay in sidoo kale 2-qof ay ku dhawacmeen falkaasi oo ay geesteen Raga hubeysan oo aan heybtooda laga raneyn.

Raga falkan fuliyay ayaa dadka deegaanka ay sheegayaa in ay a haayeen kuwo aad u hubeysan oo watay qoryaha looyaqaano AK-47,  islamarkaana ay ka baxsadeen goobta ay falkan ka geysteen.

Ma cada u jeedka dilkan ka danbeeyay iyo cida fulisay, hase ahaatee waxa uu ku soo aadayaa iyadoo wax ka yar Labo Todobaad ay ka harsan tahay doorashada Madaxtinimada dalkaasi.

Xigasho: BBC 

Comments are closed.

Facebook

Twitter