KAMPALA (Sh.M.Network)—War lagu daabacay Wargeyska Daily Monitor ee kasoo baxa dalka Uganda ayaa lagu sheegay in 4 Askari oo ka tirsanaa kuwa dalka Uganda ee qeybta ka ah howl galka AMISOM lagu dilay meel u dhow garoonka Balli Doogle, iyagoo kusii jeeday Magalaad Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Daily Monitor ayaa tibaaxay in dilka Askartani ay ka dambeysay kadib markii ay weerar gaadmo ah ku qadeen Al shabab Malinimadii Khamistii Kolonyo Ciidamada AMISOM oo halkaasi marayay, iyadoona halkaasi lagaga dilay AMISOM 4-Askar.
Afhayeenka Ciidamada Uganda ee dalka Somalia Capt. Henry Oppo oo ka war bixinayay howlgalka ay wadaan Ciidamada AMISOM ayaa xusay in Ciidamadoodu ay wadaan Olola la isugu furaayo guud ahaanba gobolada kal duwan ee dalka Somalia, gaar ahaan Muqdisho iyo Baydhobo.
Al shabab ayaa inta badan weeraro gaadma ah kusoo qaada Ciidamada AMISOM iyo dowlada Soomaaliya, waxaana weeraradaasi ay sababaan Khasaaro soo gaaro Ciidamada.



















Comments are closed.