Muqdisho(Sh.M.Network)—Sida lagu daabacay Wargeyska The Garthean ee ka soo baxa dalka Briten waxaa sanadkii aan ka soo Gudubnay ee 2012 Geeriyooday Saxafiyiintii ugu badneed Caalamka kuwaasi oo lagu sheegay tiradooda 121 Saxafi oo kakala howl galaayay Daafaha Dunida.
Waddanka Syria ayaa la sheegay in uu noqday halbolaha meesha ugu badan ee uu ku qubtay dhiiga Saxafiyiinta
Geerida Saxafiyiintaan ayaa ku timid sababo kala duwan oo loo badiyay bartilmaameysi toos ah iyo dhacdooyin kale oo ay la kulmeen iyagoo ku guda jira howshooda shaqo
Sanadkaan marka loo eego sanadihii ka horeeyay ayaa waxa udhexeeya farqi iyo lambarro badan waaayo sanaddii 2011 waxaa geeriyooday illaa 107 Saxafi 2010 waxaa dhintay 94 Saxafi halka 2009na ay dhinteen 113 saxafi
Syria oo kaliya waxaa ku dhintay 35 Saxafi Sanadkii aan ka soo gudubnay ee 2012 kuwaas oo wargeysku uu ka carab dhaway Saxafiyaddii caanka ahayd Kalfin ee iyadu ka tirsaneed wargeyska Sanday Times ee ka soo baxa dalka Briten.
Waddanka Soomaaliya ayaa warbixinta lagu sheegay in 18 ka mida saxafiyiintaasi ay ku geeriyodeen kuwaasi oo intooda badan lagu weeraray gudaha dalka Soomaaliya.
Warbixinta ayaa xustay in dhamaan Saxafiyiinta la weeraray ujeedka ka dambeysa in ay tahay si loo aamusiyo Saxaafadda Xorta ah.
Dalalka Mexico iyo Pakistan ayaa la xusay in illaa 10 Saxafi ay ku geeriyoodeen halka Philipine iyo Ciraaqna ay ku dhinteen illaa 5 Saxafi.
Hey’ado udooda Xuquuqda Saxaafadda ayaa ugu dambeyn ku taliyay Qaramada Midoobay oo xeera ciqaaba ka soo saarta beegsiga Saxafiyiinta dowladaha oo mauuliyad iska saara difaaca Suxufiyiinta iyo shucuubta oo muujiya dareenkooda ku’aadan dhibaateeynta adeegayaashooda























Comments are closed.