11 Qof Soomaali Ah Oo La Xariirinaayo Burcad Badeedimo Oo La Maxkamadeeyey.

maalik_som December 5, 2012 Comments Off

Roma (Sh.M.Network)— Maxkamad ku taala Magaalada Roma ee xarunta Dalka Taliyaaniga ayaa xukun xabsi ah ku riday ilaa 11 qof oo Soomaali ah kuwaasi oo loo haystay dambiyo la xariira Burcad Badeedimo.

Xeer ilaaliyaha maxkamada ayaa waxa u sheegay In xabsi gaaraya mdikiiba 3 sano iyo bar lagu xukumay 11 qof ee burcadbadeeda ah kadib markii lagu helay dambi ah inay weerar ku qaadeen markab laga leeyahay dalkaasi islamarkaana ay afduub u geesteen badmaaxiyaashii la socday.

Maxkamada waxa ay sheegtay in cadaymo iyo marqaatiyo kadib ay ku riday eedeeysanayashan qofkiiba 3 sano iyo bar oo xabsi ah oo lagu hayn doono dalkaasi.

Burbadbadeeda ayaa waxa la shegay in Bishii January ee sandkan ayaa waxa ay rasaas ku fureen markab siday shidaal oo qiyaas ahaan marayay meel 250 nautical miles u jirta xeebaha dalkayemen.

Shaqaalaha markabka oo 10 kamid ah ahaayeen Yemeni  ayaa u suurta gashay inay iska difaacaan weerarka burcad badeeda kadib markii ay garab ka heleen diyaarad helicopter ah oo uu leeyahay Taliyaaniga taasi oo gacanta ku dhigtay 11 nin ee hadda lagu xukumay magaalada Roma.

Comments are closed.

Facebook

Twitter