10 Ganacsate Soomaali ah oo Lagu dhawaacey Dalka S.africa

maalik_som November 8, 2012 Comments Off

MOGADISHU (Sh.M..Network) –Wararka ka imaanaya Dalka S.afrika ayaa waxa ay sheegayaan In Tobon  ruux oo Soomaali ah isla markaana ka mid ah dadka ganacsiga ku leh dalka S.Afrika siyaabooyin kala duwan loogu dhaawacey magaalooyinka Dalka S.Afrika 24 kii saac ee aynu so dhaafney .

Dhaawaca dadka ganacsata Soomaalida ah ayaa sida la sheegey waxa ka dambeeyey burcad S.afrikan ah oo dilal ku haya Ganacsatada Soomaaliyeed ee Mehradaha kala duwan ku leh Magaalooyinka Dalkaasi S.afrika waana dalka ugu badan qaarada afrika ee dadka soomaalida lagu dhibaateeyo .

Ma ahan markii ugu horeesey oo Ganacsate Soomaali ah Lagu waxyeeleeyo Gudaha Wadankaasi S.afrika waxa ayna marar badan burcada S.frikanka ah ay dilal iyo dhacba u geestaan Soomalaida sanadihii ugu Dambeeyey u ganacsiga Tagey Wadanka S.afrika

Comments are closed.

Facebook

Twitter